Raisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo sheegay in dhoofinta xoolaha Nool dowladu bilaabeyso
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon {Saacid} ayaa sheegay in bishan January ee sanadka cusub gudaheeda magaalada Muqdisho laga bilaabidno dhoofinta xoolaha nool ee isugu jira ariga, loda iyo geela, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay lacag badan ka soo gelitoonto
Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay shaaca ka qaaday in muddo ka badan 20-sano bartamaha bishan Janaayo ee sanadkan cusub 2013-ka magaalada Muqdisho laga dhoofin doono xoolaha nool ee loo iib-geeyo dalalka Khaliijka, halka horay looga dhoofin jirtay dekedaha maamulada Somaliland iyo Pubtlabd oo ay ka dhisanyihiin maxjaro.
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon {Saacid} ayaa sheegay in bishan January ee sanadka cusub gudaheeda magaalada Muqdisho laga bilaabidno dhoofinta xoolaha nool ee isugu jira ariga, loda iyo geela, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay lacag badan ka soo gelitoonto haddii ay bilaabato dhoofinta xoolahaa, sidoo kale Ra’isul wasaaruhu wuxuu sheegay in maxjar-weyn ay dowladdii ka horeysay iyaga ay ka dhistay deegaanka Jaziira oo uu sheegay inuu haatan diyaar yahay.
“Sida aan ku rajo-weynahay waxaa dhawaan magaalada Muqdisho laga bilaabi doonaa dhoofinta xoolaha nool ee loo iib geeyo dalalka Khaliijka, waxaan idiin sheegayaa in haddii ay arrintan hergasho ay noqoneyso in Muqdisho laga dhoofiyo xoolo nool muddo ka badan 20-sano” ayuu yiri Ra’isul wasaare Shirdoon oo intaasi ku daray in isagu uu aaminsanyahay in dowladda ay lacag badan oo gaareysa 5-milyan ay ka soo geli doonto.
Sidoo kale Ra’isul wasaaruhu wuxuu sheegay in haddii ay bilaabayo dhoofinta xoolaha nool ee magaalada Muqdisho ay dowladda ka heli doonto bil kasta lacag gaareysa 5-milyan oo doolarka mareykanka, si rasmi ahna loomaga oga maalinta iyo goorta ay bilaabaneyso dhoofinta xoolahaasi.
Xoolaha nool ee Soomaaliya ayaa waxaa laga dhoofin jiray dekadaha Boosaaso iyo Ber-bera, wuxuuna hadalka Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ka soo yeeray uu imaanayaa iyadoo bartamihii sanadkii tahay ay dowladda Sacuudiga dib ugu soo celisay Soomaaliya xoolo nool oo loo iibgeeyay, kuwaas oo ay sheegtay inay qabeen cuduro kala duwan.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )