Macquul maaha inay dowladda soomaaliyeed iyo kenya kuheshiiyaan maamul u sameynta kismaayo waayo waxay noqoneysaa qayaano qaran.waxaase dhici karta in .......
kadib markii wafdigii dowladda lagasoo celiyey magaalada kismaayo dhowr isbuuc kahor ayeey shacabka soomaaliyeed aad udhaliileen kaalinta ay dowladdu kuleedahay talada kismaayo
Macquul maaha inay dowladda kenya maamul usameynta kismaayo uga dambeyso dowladda federaalka ah ee soomaaliyeed sababtoo ah waxaa markaas meesha kabaxaya danihii ay kalahayd qabsashada magaalada kismaayo.suurto galna maahan inay DF soomaaliyeed fuliso danaha dowladda kenya oo taasi waxay noqoneysaa qayaaano qaran. laakiin waxaa meesha kamuuqdo in lagalay heshiis loogu talagalay in lagu suuxiyo ama lagu dejiyo shacabka dhaliilsan kaalinta ay dowladdu ku leedahay talada kismaayo.
kadib markii wafdigii dowladda lagasoo celiyey magaalada kismaayo dhowr isbuuc kahor ayeey shacabka soomaaliyeed aad udhaliileen kaalinta ay dowladdu kuleedahay talada kismaayo ,taasoo dhlisan kacdoon shacab iyo muran xoogeystay.markaas kahor dowladda kenya qorshahaba uguma jirin inay dowladda soomaaliya kaqeyb geliso maamul usameynta kismaayo,balse markii dambe ayeey kenya aragtay inay ayada lafteeda khatar kutahay keli talisnimada degdegna loo ogaanayo inay qabsatay magaalada kismaayo ee aysan cidkale uqabay sida ay sheegan jirtay. markaas ayaa laraadiyey dan kadhexeyn karta seddexda geesood ee kala ah raaskambooni ,kenya iyo dowladda federaalka ah.
Sidee xeego/xeero loo xagtaa ilkana ku nabad galaan iyo xaal mastuur ayaa arintii lagu deyey. madaxweyne xasan wuxuu dhextaagnaa labo kuu daran mid dooro oo ahayd inuu kala doorto kenya oo bahdileysa iyo inuu xm.alshabaab culeyska kadabciyo si ay dalka udifaacaan. sidoo kale kenya waxay kuqasbaneyd inay jebiso heshiiskii ay lasoo gashay jabhadda raaskambooni ee kusaabsanaa qeybsashada kheyraadka jubbooyinka oo ay dowladda raacdo taasoo aysan wax dan ah ugu jirin.ama inay DF ah bahdileyso oo ay uxoog sheegato dabadeedna uu shacabku kukaco sida haddaba dhacday oo ay lasafato jabhadda raaskambooni maadaama ay kudaneysaneyso. dhinaca axmed madoobe xaalku waa kuxumaa oo ma uusan dooneyn inuu ismuujiyo oo uu yiraahdo kenya ayaan lasoconaa dowlaada federaalka ahna shaqo kumalihin inkastuuba xaalku saas yahay. sidoo kale ma uusan dooneyn inuu soomaali wax laqeybsado kenyana kuyiraahdo waa mahadsan tihiin mar haddii alshabaab magaalada laga saaray iska taga,taas muusan awoodin mana rabin.
Xaalkii waxaa lagusoo dhameeyey inay kenya howsheeda wadato,dowladda federaalkana aan labah dilin oo ay soobooqan karaan kismaayo ayagoo amarka raacayo,axmed madoobana uu idaacadaha kasheego inuu dowladda laheshiiyey oo ayadu maamulka dhiseyso. waxaa arintaa noo cadeyn kara inaysan kenya ciidan iyo maalba kuweynin inay caawiso dowlad soomaaliyeed ,inaysan yeeleynin weli nalasii joog oo alshabaab naga celi caawinaad daraadeed.iyo tan seddexaad oo ah inaysan raaskambooni iyo ciidan dowladeedba aysan iska celin karin isagana filneyn iska caabinta ciidamada alshabaab ee weli magaalada dhinac kajooga. haddii laysku sooduubo waxaan dhihi karnaa kenya way uga guuleysatay dowladda federaalka maamul usameyntii kismaayo ama jubbooyinka,laakiin waxaa weli nool ciidamadii sanadka iyo barka kuhorfadhiyey 60km.ee alshabaab iyo shacabkii oo waxbadan ogaaday.soomaaliya soomaali baa leh kenyana way riyooneysaa.
w/q, xagaleey

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )