Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Dalka suudaan uga qeybgalaya Xuska 57 guuradii ka soo wareegatay xornimadii dalkaas
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa sidoo kale u qorsheysan inay ka qeybgalaan mashruuc biyo xireen ah oo ay dowlada Suudaan ka hirgelisey gobolka Blue Nile.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u jooga magaalada qartuum ee caasimada dalka Sudan sidii uu uga qeybgeli lahaa xuska 57 guuradii ka soo wareegatay markii dalkaasi xornimadiisa ka qaatay gumeystihii reer Yurub.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa sidoo kale u qorsheysan inay ka qeybgalaan mashruuc biyo xireen ah oo ay dowlada Suudaan ka hirgelisey gobolka Blue Nile.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa lagu wadaa intuu suudana joogo inuu la shiro madaxweynaha dalkaasi cumar Xasan Albashiir iyagoo ka wada sheekeysan doona xiriirka labada dal oo iskula jira dalalka islaamka,afrikaanka iyo Ururka Midowga Afrika.
Safarka madaxweynaha uu ku tagay sudan ayaa ka dhigeysa tii ugu horeysay tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha soomaaliya waana dalkii 5aad oo uu tago tan iyo markii la doortay 10-kii september ee sanadkii tagay loo doortay xilka ugu sareeya dalka.
Si kastaba lama yaqaan Madaxweynaha inuu toos dalka ugu soo laaban doono marka uu dhameystay joogitaankiisa dalka Sudan ama inuu dalal kale soo mari doono.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )