Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Ayaa Saaka Booqday Ciidamadda Ka Hawlgala Madaxtooyada Iyo Agagaarkeeda.
Ra’iisal Wasaaraha “Saacid” ayaa salaan ka qaatay cutubyada kala duwan ee ku sugnaa goobahaas
Moqdisho, 01, Jan, 2013…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa saaka booqasho ku maray goobaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin ciidamada ka hawlgala madaxtooyada iyo agagaarkeeda. Ra’iisal wasaaraha ayaa socod ku maray goobaha Ilaalada, deegaanada iyo barxadaha nasashsda ee ciidamada ayaa xogwareysiyo kala duwan la yeeshay saraakiisha iyo askarta uu kula kulmay goobahaasi.
Ra’iisal Wasaaraha “Saacid” ayaa salaan ka qaatay cutubyada kala duwan ee ku sugnaa goobahaas, waxana Ra’iisul Wasaaruhu u muujiyey ciidanka sida ay uga go’ntahay Xukuumaddiisu sidii ay mudnaanta kowbaad u siin lahayd ciidanka, si loo daboolo dhamaan baahiyada kala duwan ee. Waxa kale oo uu la kulmay ciidamo dhaawacyo kala duwan qaba iyo kuwo jirran oo uu sheegay in si deg deg ah xaaladooda caafimaad wax looga qaban doono.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale booqday xaafadaha ku yaalla aagagga ciidamadu daganyhiin, isagoona halkaas kula shekaysatay dadka shacabka ah ee ku nool xaafadahaas.
Ugu danbayntii Ra’iisul wasaare Saacid ayaa u rajayey ciidanka qaranka in sanadkan cusub uu noqon doono mid ay helaan dhammaan xuquuqdooda kala duwan si dalka looga xoreeyo kooxaha nabad-diidka ah.
-----DHAMAAD-----

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )