Golaha Baarlamaanka oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixyey Qaybtii Dhimanayd ee Golaha Wasiiradda
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa ugu mahad celiyey Xildhibaanadda sida sharafta leh oo ay u ansixiyeen qaybtii dhimanayad ee golaha Wasiirada,
Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Wasiiru Dowlayaasha iyo Wasiiro ku xigeenada uu dhawaan soo magaacabaay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa ugu mahad celiyey Xildhibaanadda sida sharafta leh oo ay u ansixiyeen qaybtii dhimanayad ee golaha Wasiirada,
“ Waxaan aad idiinka mahad celinayaa sida wanaagsan oo aad ula shaqaysaan xukuumadda, waxaana taas daliil u ah codka aqlabiyada ah oo aad markasata ku ansixisaan, sidoo kale waxaana u aragnaa in ay tahay waajib shaqo oo idin saaran inaad soo celisaan wixii aad u aragtaan in aysan ku jirto danta guud. Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan dib u habayn ku soo samayn doono Miisaaniyada aad ku soo celiseen xukuumadda sida ugu dhaqsaha badana ayaan dib idinkugu soo celinaynaa”
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay in xukuumadiisu ay dhisantahay mudo ka yar laba bilood walina aan la gaarin xiligii boqolka maalmood ahaa ee xukuumadda dib u eegis lagu samayn lahaa, sidaad daraadeed xukuumaddu waxau ku talaabsatay wax qabad muuqda mudadii yarayd.
“ Waxaan xooga saarnay xaga amaanka oo aan ku talaabsanay guulo waaweyn oo ay ka mid yihiin qaadidii isbaarooyinkii yaalay magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda kuwaas oo caqabad ku ahaa isu Socodka, Nabad galyada,iyo iyadoo Dhaqaale aad u faro badan laga qaadi jiray gaadiidka, taasina waxay calaamad u tahay sida ay nooga go’an tahay inaan dalka nabad ku soo celino. Waxaan sidoo kale diyaarinay oo dhawaan howl galaya ciidamo gaaraya kun Askari oo aan u dhamaystirayno qalabkooda kuwaas oo qayb weyn ka qaadanaya sugida amniga Caasimada, waxaa kale oo xusid mudan in ciidanka Qaranka oo garab sanaya kuwo AMISOM la wareegeen gacan ku haynta magaalda Jowhar”
Ugu danbayntii Xukuumaddu waxay wafuud kala duwan u dirtay gobolada dalka, sida Bay, Gedo, Hiiraan iyo Jubada Hoose,
“Xukuumaddu waxay wafti balaaran u dirtay magaalada Kismaayo waxayna la kulmeen soo dhaweyn balaaran oo dadka deeganku aysan u kala harin, waxay kulamo la qaateen bulshada qaybaheeda kala duwan waxaana waftiga dowladda dadku ku dhaqan magaalda Kismaayo u muujiyeen sida ay u garab taagan yihiin.
Jubooyinka iyo dhamaan gobolada Dalka, dhanka maamul u samaynta Jubooyinka dowaladu waxay qaadanaysaa hogaanka sidii maamul loogu samayn lahaa gobolada Jubooyinka iyadoo maamulkaas ka imanayo dadka deegaanka. Waxaana arinkaas ku heshiiyey Dowladda iyo bulshada qaybaheeda kala duwan. Taasina waa siyaada guud ee dowaladdu ka damacsantahay gobolada Jubooyinka iyo dhamaan gobolada Dalka.waxaa kale oo dowladdu qorshaynaysaa sidii wafti balaaran ugu diri lahayd gobolada Dhexe si ay gacan uga gaystaan sidii loogu dhisi lahaa maamul dadku raali ka yihiin”
Jubooyinka iyo dhamaan gobolada Dalka, dhanka maamul u samaynta Jubooyinka dowaladu waxay qaadanaysaa hogaanka sidii maamul loogu samayn lahaa gobolada Jubooyinka iyadoo maamulkaas ka imanayo dadka deegaanka. Waxaana arinkaas ku heshiiyey Dowladda iyo bulshada qaybaheeda kala duwan. Taasina waa siyaada guud ee dowaladdu ka damacsantahay gobolada Jubooyinka iyo dhamaan gobolada Dalka.waxaa kale oo dowladdu qorshaynaysaa sidii wafti balaaran ugu diri lahayd gobolada Dhexe si ay gacan uga gaystaan sidii loogu dhisi lahaa maamul dadku raali ka yihiin”
-------DHAMAAD-----

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )