Dowladda Nigeria oo si rasmi ah ugu biirtay wadamada ay ciidamada AMISOM ka joogaan dalka SOmaliya
Askar gaareysa 140-askari oo boolis ah ayaan u u direynaa gudaha dalka Soomaaliya sanadka cusub, ciidamadii la diri lahaa qalabkooda waa u dhameynay waana diyaar
Dowladda Nigeria oo ka mid ah dowladihii Afrikaanka ahaa ee hadda ka hor balanqaaday inay ciidamo u soo dirayaan gudaha dalka Soomaaliya ayaa hadda waxay shaa ka qaaday in askar ay u soo direyso gudaha dalka Soomaaliya si ay uga qeybqaataan nabad ku soo dabaalidda dalka Soomaaliuya, isla markaasna ay uga mid noqdaan howlghalka ciidanka Midowga Afrika ee ku howlgala magaca AMISOM.
Agaasimaha nabad-ilaalinta ee ciidamada Nigeria Mr. Kayode Aderanti sheegay in hadda ay qorsheen inay ciidamo si gaar ah u tababaran inay u soo diraan Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamada ay u soo dirayaan Soomaaliya ay yihiin boolis, balse aysan xilligan diyaar u aheyn inay ciidan militeri u soo diraan gudaha Soomaaliya, isagoo sheegay agaasimuhu in ciidamada booliska ah ee ay soo dirayaan ay ka horlgeli doonaan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
“Askar gaareysa 140-askari oo boolis ah ayaan u u direynaa gudaha dalka Soomaaliya sanadka cusub, ciidamadii la diri lahaa qalabkooda waa u dhameynay waana diyaar, ciidankaasi waxaan siinay tababar gaar ah oo ay uga hortagaan falalka amaanka lidiga ku ah, ciidankeenu waxay qeyb ka yihiin ciidamada booliska ee ka socda Yugandha ee jooga Soomaaliya, waxayna noqonayaan kuwo isku xuquuq ah” ayuu yiri Agaasimaha nabad-ilaalinta ee ciidamada Nigeria Mr. Kayode Aderanti.
Sidoo kale Agaasimaha nabad-ilaalinta ee ciidamada Nigeria Mr. Kayode Aderanti waxa uu sheegay in ciidamadan booliska ee ay u soo dirayaan Soomaaliya ay ka dambeysay ka dib heshiis laba geesood ah oo dhexmaray dowladda Nageria iyo hogaanka nabadgelyada ee ururka Midogwa Afrika oo uu sheegay inay isku afgarteen in ciidan ka socda Nageria la geeyo gudaha Soomaaliya, isla markaasna loo baahanyahay in balqaadyadii la fuliyo.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika Ramtane Lamamra oo ka hadlay heshiiska dhexmaray Midowga Afrika iyo dowladda Nageria ayaa sheegay in heshiiska uu dhigayo in Nageria ay si rasmi ah uga mid noqoto howlgalka AMISOM, isla markaasna ay dalka Soomaaliya u dirto Nageria ciidamo isugu jira boolis iyo militeri, wax aan intaasi aheyn aan laga ogolaan doonin sida uu yiri.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )