Somaliland oo xabsiga u taxaabta Oday Biixi oo ka mid ahaa Odayaashii soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyeyna dastuurka cusub
Laanta socdaalka ee magaalada Berbera maamulka Somaliland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigay Suldaan Maxamed Biixi Caalin oo ka mid ahaa Odayaashii ka qeybgalay shirkii lagu soo xulayay Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo matalayey gobolka waqooyi galbeed Soomaaliya ee hadda la magac baxay Soomaaliland
Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah Odayaashii soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya, waxna ka ansixiyey dastuurka cusub ee Soomaaliya, kaas oo ka soo jeeda deenaada Somaliland ka dib markii sida la sheegay uu si kedis ah uga degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera isagoo ka tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaliya.
Laanta socdaalka ee magaalada Berbera maamulka Somaliland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigay Suldaan Maxamed Biixi Caalin oo ka mid ahaa Odayaashii ka qeybgalay shirkii lagu soo xulayay Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo matalayey gobolka waqooyi galbeed Soomaaliya ee hadda la magac baxay Soomaaliland.
Sarkaal ka tirsan laanta socdaalka ee garoonka Berbera ayaa sheegay in oday dhaqameedka ay qabteen uu ka tirsanyahay sida uu yiri dad fara ku tiris ah oo ka soo horjeeda qaranimada Somaliland waa sida uu hadalka u dhigaye, illaa iyo haddana wax war ah kama soo bixin xarigga loo geystay Oday Biixi oo ka mid ahaa Odayaashii soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xarigga ninkan loo cuskaday sida uu sarkaalku sheegay go’aankii Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo uu ka saaray ka qeybgalka shirarka dowladda loogu dhisayo Soomaaliya oo uu maamulkiisu u arko in qofkii shirkaasi ka qeybgalaa uu galay khiyaano qaran.
Xarigga hogaamiye dhaqameedkaasi ayaa ku soo aadaya iyadoo horaantii sanadkan ugu yaraan labo jeer ay kulmeen mas’uuliyiin ka kala socotay dowladdii KMG aheyd ee waqtigu ka dhamaaday iyo xubno ka socday maamulka Somaliland, waxaana kulamadaasi mid ka mid ah ka qeybgalay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud {Siilaanyo}.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )