Dekedda xamar oo noqotay astaanta keliya ee maanta utaagan qarankii soomaaliyeed iyo dowladda uganda oo nala yeelatay.
Waana sababta ay kumuteysatay inay noqoto astaanta qaranka soomaaleed ee hadda jirta.
Burburkii baahsanaa ee saameeyey qaranimadii soomaaliyeed wuxuu gaaray heer ay xataa muwaadiniinteeni katagaan damqashada dalkooda iyo dadkoodaba.waxaa yaraaday fikirkii ahaa soomaaliweyn.waxaa dabcay xiriirkii walaaltinimo ee kadhexeeyey bulsha weynta soomaaliyeed ee walaalaha ah.calankii buluugga ahaa ayaa marti unoqday ciidamo shisheeye ah.gobolna gobol madifaaci karo,mana rabo inuu difaaco.
Xaaladdu waxay u egtahay qabiil walboow naftaa halkeey qeylo kugeyso.Labadii gobol ee xorta ahaa ayaa uqeybsamay toban aan tashaneyn laakiin loo taliyo.qabiil walba taagtiisay qodaxdii kutagtay.Laakiin ilaah lagama quusto ragna wuu isdhaami doonaa inshaa allaah.
Sida muuqata xataa calankii wuxuu kusoo aruuray meelo kooban oo koonfurta ay,kadib markii uu reer walbaa sameystay mid midabyo leh oo asaga ugaar ah.Balse waxaa xusuus mudan in ay dekaddii xamar weli tahay hanti uu leeyahay qaranka soomaaliyeed maadaama ayada hadda laga biilo dowladda dhexe ,ciidamada qalabka sida iyo baarlabaanka qaranka intaba.
Waana sababta ay kumuteysatay inay noqoto astaanta qaranka soomaaleed ee hadda jirta.
Waxaase ayaan darro noqotay inay hadda soobaxayaan warbixino sheegaya inay dowladda uganda qeybteeda kaqaadato dhaqaalaha kasoo xerooda dekedda ,ayadoo sida lasheegayo qaadato dhaqaalo gaaraya boqolkiiba 25 ilaa 30 boqolkiiba.Qabashada dakhliga dowladda uganda kasoo gala dekedda xamar waxaa uga masuul ah madaxda ciidamadeeda jooga dalka soomaaliya.
Warbixintaan oo ah mid aad isusoo tareysa ayeynu wax kaqornay muddo haatan laga joogo sanad iyo bar.Laakiin ay hadda nagu wehliyaan qaar kamid ah warbaahinta soomaaliyeed weliba kuwooda ugu wanaagsan ee laysku haleyn karo,laakiin aanan ogolaansho kaheysan inaan magacooda halkaan kuxusno.
Arinkaan oo dekedda xamar kadhigaya mid lameel joogta garoonka diyaaradaha ee aadan cadde oo ay shirkadda shisheeyuhu maamusho.Waxaan ayana la iloobi karin inuu dekedda boosaaso maareeye kayahay nin ustaralian ah oo jagadaas usoo magacowday UNDP oo ah hayadda qaramada midoobay uqaabilsan arrimaha soomaaliya.
w/d: xagaleey

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )