Dowlada Denmark ugu deeqday dalka Soomaaliya Shan Milyan oo doolar ( 5,000,000)( DAAWO SAWIRADA )
Wasiirka Maaliyadda, Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya oo Heshiis Is Faham La Saxiixday Dowladda Denmark.
Wasiirka Maaliyada, Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Maxamuud Xasan Suleemaan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Wasiirka ayaa ka mid ahaa waftigii Madaxweynaha u raacay dalka Turkiga, wasiirka ayaa safarkiisa Turkiga ka dib soo maray magaalada Nairobi isagoona halkaas kulama kula soo qaatay xubno ka tirsan Beesha Caalamka.
Wasiirka ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka dalka Denmark u fadhiya Kenya waxayna labada dowladood kala saxiisdeen heshii is faham ah, waxaaan dowlada Denmark ugu deeqday dalka Soomaaliya Shan Milyan oo doolar ( 5,000,000) lacagtaas oo dowladda Soomaaliya ku bixinayso adeegyada bulshada.
Kadib booqashadii uu ku soo kala bixiyey dalalka Turkiga iyo Kenya ayaa wasiirku ku soo guryo noqday dalka. Waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Xildhibaano iyo dadweyne aad u fara badan, Wasiirka ayaa warfidiyeenada kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha isagoona ka warbixiyay safarkiisa.
“ Runtii aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta dalka dib ugu soo laabto, Waxaan ka mid ahaa waftigii Madaxweynaha u raacay dalka Turkiga, booqashadii turkiga kadib waxaan shaqo gaar ah u soo maray dalka Kenya” ayuu yiri wasiirku
Ugu danbayntii Wasiirka Maliyadda ayaa noqday wasiirka ugu shaqada badan golaha wasiiradda oo jiray in ka yar mudo bil ah wuxuuna qaaday talaabooyin kala duwan oo shacabku aad u soo dhaweeyeen. Waxaana ka mid ahaa joojintii lacagihii kala duwanaa oo lagu qaadi jiray Dekeda dhexdeeda iyo isagoo ku amray shaqaalaha wasaaradda maaliyadda inaysan wax lacag ah ka qaadi karin Ex-Kontrool Afgooyo ka hor intaan la qaadin Isbaaradaas.


FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )