Qaraxyo Isdaba Joog ah oo ka dhacay gudaha magaalada Jowhar saacado ka dib markii ay la wareegeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada

12/9/2012 3:00:00 P

Qarax labaad ayaa ka dhacay gudaha Saldhiga Booliska ee xaafadda Hanti-wadaag, kaasoo dhawaaqiisa laga maqlay xaafadaha magaaladaas


Qarax oo is xigxiga ayaa laga maqlay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe saacado kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen.
 Qaraxa hore ayaa laga maqlay halka lagu magacaabo Nambar Uno ee xaafadda Horseed, halkaasoo ay gaareen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

 Qarax labaad ayaa ka dhacay gudaha Saldhiga Booliska ee xaafadda Hanti-wadaag, kaasoo dhawaaqiisa laga maqlay xaafadaha magaaladaas.
 Ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha ay geysteen qaraxyadaasi, inkastoo ciidamadu feejignaan gaar ah muujinayaan oo aysan weli gudaha u gelin saldhigyada iyo xafiisyada dowladda ee degmadaas.
 Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay iyagu qarxiyeen miinooyinkaas oo ahaa kuwo dhulka lagu aasay.
 Waxaa xiran dhamaan goobaha ganacsiga, iyadoo aroortii hore ee saaka la fasaxay dugsiyadii waxbarashada, dadkuna ay isugu soo bexeen waddooyinka

Warar kale oo xiiso leh halkaan ka aqriso.


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.

Fikirkaaga hoos kadhiibo:





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com