Golaha Wasiiradda Oo Soo Saaray Go’aan Lagu Mamnuucayo Ka Ganacsiga Qalabka Ciidamadda.
Muqdisho, 06, Dec, 2012) Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”
Muqdisho, 06, Dec, 2012) Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ganacsiga iyo adkaynta Amniga.
Ugu horayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa ka warbixiyey booqashadii uu shalay ku tagay cirifyada magaalada Muqdisho isagoona u kuur galayey xaalada Amniga iyo sidii loo xoojin lahaa dadaalkii looga sifeeyey Isbaarooyinka goobo badan oo ku yaala Caasimadda.
Sidoo kale golaha ayaa ka dooday sidii loo howl galin lahaa Maxjarka Xoolaha ee ku yaala degaanka Al-jaziiro halkaas oo ganacsato Soomaaliyeed ugu diyaarsheen Xoolaha Dalka laga dhoofinayo dhamaan agabyadii ay u baahnaayeen sida Naaxinta, Baarista Caafimaadkooda, iyo Cawskii lagu calfin lahaa mudadda ay safarka sii yihiin. Maxjarkan ayaa ah kan kaliya ee ku yaala Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaana ay bilaamaysaa xoolo dhoofintu 31 bishaan.
·Goluhu waxay isku raaceen in la sameeyo gudi ka kooban shan Wasiir oo kala shaqeeya gacanstada dhoofinaysa Xoolaaha sidii ay ugu fududaan lahayd howlahooda shaqo. Waxaana gudigaas ka mid ah Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka Khayraadka Dalka Mudane Cabdirisaq Cumar Maxamed oo ah Gudoomiyaha Gudiga.
·Sidoo kale Golaha ayaa isku raacay in laga bilaabo maanta aan laga ganacsan karin qalabka ciidamadda sida, Hubka noocyadiisa kala duwan, Rasaasta, Tuutaha, Booshashka iyo dhamaan qalabka ay isticmaalaan Ciidamadu.
Ugu danbayntii Golaha ayaa Amaan u soo jeediyey shacabka sida ay ugu heelan yihiin is bar-bar taaga dowladooda iyagoona ku tilmaamay in wada shaqayn dhex marta shacabka iyo dowlada ay tahay tan kaliya oo lagu sugi karo amniga.
---Dhamaad---

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )