Maxkamdda Federaalka Mareeykanku oo ku dhawaaqday in Biyaha xorta ah ee Soomaliya ay tahay 12 Miles kaliye
makamada ayaa ku dhawaaqday in Biyaha xorta ah ee Soomaliya ay tahay 12 Miles oo wixii ka baxsan dadka lagu soo qabtana lagu maxkamadeyn karo dalka Mareykanka.
Maxkamd Maraykan ah oo sheegtay in Somalia ay leedahay oo keliya 12 miles oo biyaha badda ah
Ka dib markii uu muran badan hareeyay qaadista dacwad ka dhan ah kooxo burcad badeed Soomaali ah oo sanadkii 2011-kii markab dagaal oo Mareykan ahi ka qabtay meel xeebaha Soomaaliya u jirta 40 Mile ayaa Maxkamdda Federaalka Mareeykanku ku dhawaaqday in Biyaha xorta ah ee Soomaliya ay tahay 12 Miles oo wixii ka baxsan dadka lagu soo qabtana lagu maxkamadeyn karo dalka Mareykanka.
Kooxda Burcad badeeda Soomaalida ah ayaa doon kuwa raaxada ah oo ay wateen lamaanayaal u dhashay Mareykanka oo tiradoodu gaareysay afar ku dilay doontii ay wateen kadib markii ay ka afduubteen meel u dhow dalka Cumaan, waxaana dacwad oogihii raggan soo eedeeyay uu maxkamadda ka codsaday in dil lagu xukumo, iyadoo uu muran ka dhashay halka laga soo qabtay iyo xuduudda biyaha ay ku jireen inay yihiin kuwa Soomaaliya iyo in kale.
Xaakimka Maxkamada Federaalka Mareykanka ayaa diiday in kooxdaasi Burcad badeeda ah lagu maxkamadeeyo gudaha Soomaaliya ka dib markii uu arrintaasi ku dooday qareenkii u doodayey kooxda lagu sheegay burcad badeeda.
“Soomaaliya biyaheeda xorta ah waa 200 oo Nautical Mile ayuu ku dooday qareenkii u doodayey kooxaha burcad badeeda, isagoo soo qaatay sharcigii 1972-dii oo dhigayey in Soomaaliya ay xaq u leedahay 200 N, Mile iyo 200 oo EEZ {Exclusive economic Zone ah}, hase ahaatee xaakimkii Maxkamadda ee Norfolk ayaa sheegay in taasi aysan sax aheyn oo Soomaaliya ay gashay heshiis caalami ah sanadkii 1982-dii kaasi oo dhigayay in Biyaheeda Xorta ah ay yihiin 12 Miles oo qur ah.
Muranka ku saabsan xaqa ay Soomaaliya u leedahay biyo badeedka gaaraya 200 oo N. Mile ayey dowladda Mareykanka xaakimkeedu ku adkeystay inaysan waxba ka jirin, waxaana markii dambe la sheegay in kooxdaasi oo markii hore la rabay in dil lagu xukumo la baajiyey, looguna bedelay xabsi dheer.
Sharciyaqaanada Soomaalida qaarkood ayaa sheegay inaanu jirin heshiis ka dambeeyay kii 1972-dii ee biyaha Soomaaliya ay xaqqa u leedahay ka dhigaya 200 N. Mile, waloow ay jiraan aqoonyahano Soomaaliyeed oo qaba in sharcigaasi la badalay 1988-dii, waana arrinta dhiiragelisay in Kenya iyo dalal kale ay ku doodaan in la calaamadeeyo biyaha Soomaaliya.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )