Madaxweyne .Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo u dhoofay dalka Turkiga.

12/4/2012 4:09:00 P

Mas’uuliyiinta uu Madaxweynahu horkacayay waxaa sagootiyay R/wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdi Faarax Shirdoon, afhayeenka Baarlamanka iyo mas’uyuliyiin kale.


Madaxweyna Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa ka duulay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdule Airport International ee Magaalada Muqdisho waxaana ka mid ah xubnaha la socda Ra’iisulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada, wasiirka maaliyada iyo Qorsheynta, wasiirka wasaaradda difaaca dalka iyo mas’uuliyiin kale.

Mas’uuliyiinta uu Madaxweynahu horkacayay waxaa sagootiyay R/wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdi Faarax Shirdoon, afhayeenka Baarlamanka iyo mas’uyuliyiin kale.
Madaxdaani ayaa intii aysan dhoofin waxaa u hadlay Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan taasoo saxaafadda ugu Garoonka dhexdiida inay casuumaad ka heleen dowladda Turkiga ayna kulamo la qaadan doonaan madaxda dalkaasi

Warar kale oo xiiso leh halkaan ka aqriso.


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.

Fikirkaaga hoos kadhiibo:





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com