Maxkamadda Holland oo Dahabshiil lacag ku ganaaxday iyo Dukumintiţ
Maxkamadda Holland oo Dahabshiil lacag ku ganaaxday +Facts.
Maxkamada Magaaladda Breda ayaa markii labaad lacag fara badan ku ganaaxday Shirkadda Dahabshiil oo dacwad ku oogtay Dahir Alasow.
Qoraal ka soo baxay Maxkamadda 29 November 2012 ayaa lagu laalay dhamaan dacwadii Shirkadda Dahabshiil ku oogtay Dahir Alasow oo metelayay Associated Somali Journalists ASOJ,Waagacusub iyo Sunatimes.
Dahabshiil waxay Maxkamadda ku xukuntay inay bixiso lacagta xeerbeegtida iyo tan Lawyer-ka halkii ay ka sugeeysay in Maxkamada xukunto Dahir Alasow.
Dahabshiil waxaa lacagta loogu ganaaxay inay Dacwada furatay oo Xeerbeegtida iyo Lawyerada waqtigooda ku lumisay kiis ay ku guuldareeysatay .
"Dahir Alasow wuxuu ku andacoonayaa in qoraaladiisa yihiin kuwa saxa sidaas darteed Maxkamada kuma qasbi karto inuu Website-yadiisa ka saaro Warbixinta Dahabshiil ka so dacwootay" ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Maxkamadda.
Go''aanka Maxkamada soo saartay ayaa ka dhigan guuldaradii labaad ee Shirkadda Dahabshiil ku habsata,waxayna kiiska dacwadaan ku khasaartay lacag ka badan afar Milyan oo Euro halka dacwadaan cusub lacagta uga baxday ay kor u dhaaftay hal Milyan oo Pound"
Inta badan Somalida ku nool Magaalada Breda ee Gobolka Brabant ayaa Mashxarad iyo dabaaldeg isugu soo baxay markii ay Warbaahinta ka arkeen in Maxkamada Ganaaxday Shirkadda Dahabshiil halka Kiiskii hore ee 8 Febraury 2010 ay Jaaliyada ka aamuseen.
Dabaaldega Somalida Breda sameeysay ayaa sawir ka bixinaya shacbiyada sii kordheysa ee Dahir Alasow taas oo laga dareemay maalintii Maxkamada furantay oo taageerayaashiisa buux dhaafiyeen hoolka dacwada ka socotay.
Waxaa laga yaabaa in Maamulka Dahabshiil wax badan kala socon sumcad xumida ay kala kulmi karaan labada guuldaro ee Maxkamad ku taal Yurub ku laashay dacwadooda.
"Maamulka Dahabshiil waxaa la gudboon inay xaqiiqsadaan in Madaxbanaanida Saxaafadu tahay lama taabtaan" ayuu yiri Dahir Alasow
"Associated Somali Journalsts waxay Hambalyo iyo Mahadcelin u direeysaa Qareenadda u doodayay madaxbanaanida Saxaafadda kuwaas oo kala ah ,Margriet Koedoder iyo Frouke Hekker" ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska ASOJ ee Muqdisho.
Associated Somali Journalists ASOJ waxay hambalyo gaara u dirayaan dhamaan Wariyeyaasha Soomaaliyeed gaar ahaan Wariyeyaashii ka qeyb qaatay kiiska Maxkamadda sida Halbeegnews.net ,Qurbejoog.com,Galmudugnews.com,Khaatuma.com iyo Boocame.com.
"Guusha laga gaaray Xulufadda Dhiigshiil maaha mid Dahir Alasow u gaara ee waa guul u soo hoyatay dhamaan Saxaafadda Madaxabanaan ee dunida,waxaana muhiima in Xoriyada loo dagaalamo si dhiig miiratada arxanka daran loo tuso in lacagtooda uu sharciga ka sareeyo" ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ASOJ.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )