Ciidamadii ugu badnaa ee alshabaab ka tirsan oo Kismaayo buux dhaafiyay iyo dibad bax shalay ka dhacay

9/20/2012 5:45:00 P

Wararkii ugu danbeeyay ee aan ka heleyno kismaayo ayaa sheegaya in tiro ciidamadaasi ka mid ah iyo gaadiid dagaal inay u sii talaabaeen dhanka deegaanka Biibi oo ah halka la isku hayo islamarkaana labada ciidan uu isku hor fadhiyo si uga hortagaan in ciidamada is baheystay ay u soo gudbaan dhanka kismaayo.


Waxaa magaalada Kismaayo soo buux dhaafiyay ciidamadii ugu badnaa ee xarakada Alshabaab ka tirsan iyo waliba gaadiid dagaal kuwii ugu badnaa kuwaasoo doonaya inay kismaayo ka difaacdaan ciidamada Dowlada Soomaaliyeed iyo kuwa shisheeye ee Kenya.

Wararkii ugu danbeeyay ee aan ka heleyno kismaayo ayaa sheegaya in tiro ciidamadaasi ka mid ah iyo gaadiid dagaal inay u sii talaabaeen dhanka deegaanka Biibi oo ah halka la isku hayo islamarkaana labada ciidan uu isku hor fadhiyo si uga hortagaan in ciidamada is baheystay ay u soo gudbaan dhanka kismaayo.
Saraakiisha sar sare oo alshabaab ka mid ah ayaa la sheegay inay iyaguna kismaayo u tageen sidii ay ugu dhiiri gelin lahaayeen ciidamadooda inay difaacaan magaalada Kismaayo xili Dowlada kenana xoogeeda isugu geysay sidii ay u qabsan laheyd Kismaayo iyadoo adeegsanaya diyaarado dagaal.
Magaalada Kismaayo waxaa shalay lagu qabtay dibad bax weyn oo ay khudbado ka jeediyen mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Xarakada Alshabaab kuwaasoo si cad u sheegay inaaney ka bixi doonin kismaayo islamarkaana ay difaacan doonaan.
Waaliga jubooyinka Sh. C/raxmaan Xudeyfa oo ka hadlayay dibad baxaasi oo ka dhacay beerta shareecada ayaa sheegay in dagaalka ka socda Jubbada Hoose saameyn ballaaran ku yeelan doono gudaha Kenya oo uusan ku ekaan doonin Somaaliya oo qura
“Jeyshka muslimiinta marna ma dayici doonaan ansaarta reer Kismaayo iyo gabdhaha muslimaadka cafiifaatka ah ee muddo kabadan 4 sanadood ku hoos noolaa shareecada islaamka”ayuu yiri Sh. C/raxmaan Xudeyfa


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com