Madaxweynaha Dowlada Faderalka Somaliya iyo Wafdi ka socday Midowga Reer Yurub oo Muqdisho ku yeeshay Kulan looga Hadlayay Isbadalka Dalka. ( DAAWO SAWIRADA )

9/20/2012 5:34:00 P

Shirka oo albaabada u laabnaa waxaa markii uu so dhamaaday la hadlay saxaafada agaasimaha warfaainta Madaxtooada Soomaaliya kaaso sheegay inay ka wada hadleen xiriirka labada dhinac madaama dowladu cusub tahay.


Ilaa iyo in ka badan15 safiir oo ka kala socda qaarada Yurub iyo dowlada Mareykanka ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaraaha Aadan Cabdule ee Magaalada Mudisho.

Shirka oo albaabada u laabnaa waxaa markii uu so dhamaaday la hadlay saxaafada agaasimaha warfaainta Madaxtooada Soomaaliya kaaso sheegay inay ka wada hadleen xiriirka labada dhinac madaama dowladu cusub tahay.

Madaxweyne Xasan sheekh ayuu agaasimhu sheegay inuu ka dalbaday safiirada inay xiriir cusub iyo siyaasad cusuba la yimaadaan ayna gacan siiyaan dowalada cusub.
“waay ka wada xaajoodeen Madaxweynaha iyo safiirada sidii ay u garab istaagi lahaayeen Dowlada Faderaalka Soomaaliya ee dhawaan la soo doortay”ayuu yiri Suldaan Axmed faarax oo ah agaasimaha Xafiiska warfaafinta madaxtoyada
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka wada hadleen sidii dib loogu bilaabi lahaa gargaarkii la siin jirey Dawladda kaas oo xanibnaa muddooyinkii u danbeeyey.
Dhanka kale Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay inuu ka baaqday safar uu ku tagi lahaa dalka Mareykanka sababo la xiriira shaqooyin muhiim ah oo uu dalka ka qaban lahaa.
Dalalka ay ka socdaan safiiradaani waxaa laga xusi karaa Ingiriiska Talyaaniga Farance Iswiden Holan Slovakia Mareykanka Spain iyo kuwo kale kuwaasoo ay noqoeyso markii ugu horeysay oo ay mar isla yimaadaan Xamar.
Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com