Culimaa’udiin iyo Ganacsato dil iyo afduub loo geystaty iyo dowladda cusub ee Soomaaliya oo ka hadlay, sheegayna…
Wararka naga soo gaaraya degmada Bardaale ee gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in habeen hore halkaasi lagu dilay labo ka mid ah culumaa’udiinka degmadaasi
Wararka naga soo gaaraya degmada Bardaale ee gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in habeen hore halkaasi lagu dilay labo ka mid ah culumaa’udiinka degmadaasi oo ka mid ah culimada ugu caasaneyd, iyadoo afduub loo geystay sidoo kalena mid ka mid ah ganacsatada magaaladaasi.
Goob-joogayaal ku sugan degmada Bardaale ayaa warbaahinta u sheegay in culumada la dilay lagu kala magacaabi jiray Sheekh Aadan Macalin Abshirow iyo Sheekh Maxamed Dhooble, waxaana habeen hore saqdhexe sidoo kale lagala baxay guri uu degmadaasi ka deganaa mid ka mid ah culimada deegaanka oo aan la ogeyn halka lala aaday iyo cidda afduubatay midna.
Sida warku sheegayo dableyda dilka geysatay ayaa sidoo kale horey u sii afduubtay ganacsade ka shaqeysan jiray magaalada Bardaale, iyadoo aan la garaneyn halka ay la aadeen, waxaana la sheegay in ganacsadaha lala afduubtay mid ka mid ah culimada degmada Bardaale, kuwaas oo aan illaa iyo hadda meelna lagu sheegin, isla markaasna aan laga heynin faahfaahin dhaafsiisan in la afduubtay, culimo kalena la dilay.
Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Bay C/fataax Geesey oo shir jaraa’id arrintaas kaga hadlay u qabtay saxaafadda ayaa sheegay inay ku raad-joogaan kooxihii dilka u geystay labadaasi sheikh, isla markaasna afduubtay ninka ganacsadaha ah iyo wadaadka kale, wuxuuna falkaasi ku tilmaamay mid wuxushnimo ah oo aan sal ku laheyn sida uu yiri diinta Islaamka, isagoo sheegay in haatan ay wadaan baaritaano ku aadan sidii ay ku ogaan lahaayeen waxa ay ahaayeen kooxaha falkaasi geystay.
Ilaa hadda si rasmi ah looma garanayo cidda iyo sababta ka dambeysay dilka culumada iyo afduubka loo geystay ganacsadaha,waxaase la sheegay in goobtaasi ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaas oo halkaasi ka sameeyay baaritaano la xiriira dilalka iyo afduubka ka dhacay degmadaasi.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



War-bixin sir Xiiso Leh: Duuliyeyaashii Shisheeye Iyo Kuwii Somaaliyeed Ee Qaybta Libaax Ka Qaatay Duqayntii Dhinca Cirka Ee Loo Gaystay Somaliland.Magacyada saraakiisha iyo duuliyayaasha
VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )