Eng. Maxamed Axmed Rooble “oo Hambalyo iyo Bogaadin u direy Madaxweynaha Cusub islamarkaana u soo jeediyey Talooyin
Ka: Musharaxii ugu horeeyey ee ka Tanaasula Tartanka Madaxweynanimo 30, Aug, 2012. Eng. Mohamed Ahmed Roble
Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Prof. Xassan Sheikh Maxamuud
Asalaamu Calaykum Waraxmatulah Wabarakatu.
Salaan k adib, Anigoo ku hadlaya Magaceyga iyo kan Ummadda Soomaaliyeed ee samaha iyo Samaanta jecel waxaan halkan Hambalyo iyo Bogaadin uga dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Prof.Xassan Sheekh Maxamud oo maalinimadii Isniinta taariikhduna aheyd ( 10.Sept, 2012) lagu soo doortay Magaalada Muqdisho ee wadankeenii Hooyo, Mudane Madaxweyne Prof Xassan Sheekh Maxamud, waxaan Allaha Awooda sare leh kaaga baryayaa in uu kuu fududeeyo xilkan culus ee laguu doortey, si aad uga samata bixiso dhibaatada baaxada weyn ee ku habsaday dadka iyo dalka, Mudane Madaxweyne waxaan sidoo kale kuu rajeynaynaa in Alle Subxaanahu watacalaa kaa dhigo Hogaamiye Ummadda Soomaaliyeed ku Hogaamiya dhanka Nabada Sinnaanta iyo Caddaalada.
Sidoo kale waxaa Amaan muddan Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo kuxigeenadiisa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Jeylaani Nuur Iikar & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mahad Cawad Cabdulle, oo muujiyey karti iyo howlkarnimo wanaagsan, sidoo kale waxaa amaan iyo abaalmarin muddan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo aan oran karo waxa ay Ttaariikhda ka galeen Baal Dahab ah,Ttaariikhda ayaana idin xusi doonta rabitaankii shacabka ee aad muujideen .
Waxaan mahad balaaran u jeedinayaa Gudiga farsamada iyo Guddiga Qaban-qaabada Doorashada Madaxweynaha sidii wanaagsaneyd ee ay u guteen waajibaadkii saarnaa, waxaan leeyahay waxaad mudanthin Amaan iyo Abaal marin Sidoo kale waxaan mahad balaaran u jeedinayaa Dowladihii ka geystey Hiilka iyo Hoodaba in ay suurta gasho qabsamida doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho, Waxaa kale oo aan marnaba la iloobi Karin Ciidama Qalabka sida,Guulihii isdabajooga ahaa iyo sidii ay naftooda ugu hureen difaaca dadka, dalka iyo diintaba, waxaad mudantihiin Amaan iyo Abaalmarin.
Waxaa Mdaxda Cusub oo ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud u soo jeedinayaa in aad u Hagaansantaan Rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed maadaama ay meesha ku timaadeen Xildhibaanada Baarlamanka oo iyaga Matalya Shacabka Soomaaliyeed Sidoo kale waxa u soo jeedinayaa Madaxweyne Xasan Shiikh in uu soo xulo Raiisul Wasaare karti leh oo soo dhisa Dowlada loo dhan yahay
“Dowladaada in ay hore u socoto Waxaay ku xirantahay hadba Raisuul Wsaaraha aad Xulato waxaana midaas kuugu qiimeynaya Shacabka Soomaaliyeed “ayuu yiri Ing Maxamed Axmed Rooble oo uguy baaqeyn in la tashi uu la sameeyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada si aad uga hesho talo wax ku ool ah
Ugu Dambeyntii waxaan u soo jeedinayaa Shacabka Soomaaliyed in ay la shaqeeyaan Madaxda Cusub si loo gaaro Horumar , Nabad iyo Dib u heshiisiin dhab Waxaa uu sii raaciyey” Hadii aysan wada shaqeyn dhex marin Shacabka iyo Madaxda Cusub in ay meesha ka baxayso wixii la Hhigsanayey oo ahaa Nabad iyo Horumar”
Wabilaahi Towfiiq
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
E-Mail amiinkhgasaaro@yahoo.co.uk

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )