Dagaalo qaraar oo ka dhacay deegaanka Xarshin oo dhaca xaduud beenaadka Somaliland iyo Ethiopia
Sida warku sheegayo 8-ruux oo dhinaca dadka deegaanka ah ayaa ku dhintay iyo 4-askari oo ka mid ah ciidamada Liyii booliska,
Ugu yaraan 15-ruux ayaa ku dhimatay tiro kale oo intaasi ka bandanna way ku dhaawacantay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Xarshin ee gobolka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada loo yaqaano Liyuu booliska iyo dadka deegaanka ka dib markii sida la sheegay mid ka mid ah askartaasi uu dilay nin ganacsade ahaa oo si weyn looga yaqaanay deegaanka Xarshin iyo hareeraheeda.
Sida warku sheegayo 8-ruux oo dhinaca dadka deegaanka ah ayaa ku dhintay iyo 4-askari oo ka mid ah ciidamada Liyii booliska, waxaana jira warar soo baxaya oo sheegaya in tirada dhimashada ee dagaalka ay intaasi ka badantahay, inkastoo aan si rasmi ah loo sheegin tirada guud inta ay la’egtahay.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa dagaalka oo markii hore u dhaxeeyay ciidamada iyo dadka deegaanka ayaa sii xoogeystay ka dib markii la dilay ninka ganacsadaha ahaa, waxaana la sheegay in dagaalka uu ku fiday deeegaano horleh oo ku dhowdhow deegaanka Xarshin oo uu markii hore dagaalku ka bilowday.
Dhaawacyo kala duwan ayaa la kala geeyay magaalooyinka Hargeysa iyo Jigjiga, illaa iyo haddana kama hadlin dagaalka maamulada labada dhinac eek an Soomaalida Itoobiya iyo maamulka Somaliland, waxaase horeay u jiray dagaal dhexmaray ciidamada Liyuu booliska ee maamulka Soomaalida Itoobiya iyo dadka deegaanka gaashaamo, kaas oo sababay khasaare aad u balaaran.
Dad rayid ah oo ku sugan deegaanada ay dagaalku ka dhaceen ayaa ku eedeeyay ciidamada Liyuu booliska ay isticmaaleen awood xad-dhaaf ah iyo tikniko badan, isla markaasna ay waxyeelo u geysteen dad badan oo rayid ah, laakiin ma jirto wax war ah oo arrinkaasi xaqiijinaya oo dhinaca kale ka soo baxay saraakiisha ciidamada Liyuu booliska.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )