Maqaal: Haddii La Doorto Hoggaamiye Xaq ah Muxuu qaban doonaa. qormadii (Qormo Xiiso Badan )
Hogaamiye dal burbursan maxaa looga baahan yahay maxaase looga digayaa
Alxamdulililaah Illaah baa mahad aan la soo koobi karin leh saan ogsoonahayba waddankeenna hooyo ee soomaaliya oo ay muddo dhan 22-sano ah ay la dageen dagaalo sokeeye iyo colaado aan waxba la kala harin dhinac kasta iyo meel kasta inaga saameeyey.
Waxaa xaqiiq ah inay maanta noosoo ifayso qaranimadii aan muddada dheer tubteeda haynay oo aan sugaynay waxaan taas daliil u ah in maanta muuqaalada iyo maqaalada wadaniyadeed ee ka imaanaya shacabka iyo siyaasiyiinta wanaagsan ee soomaaliyeed ee ku jooga ama ku nool daafaha dunida dareemayna inay hadda saareen waddada ama tubta toosan oo lagu helayo nabaddii iyo xasiloonidii umadda soomaaliyeed ay lahaan jirtay Insha Allaah.
Waxyaabaha horyaala haddii uu soo baxo hoggaamiye xaq ah
Waxyaabaha ama qodobada horyaalla haddii uu meesha yimaaado hoggaamiye daacadiyo wanaag ugu dhaqeeya shacabka soomaaliyeed ee u hanqal taagaya dawladda maanta dhalanaysa dhibta iyo dawlad la’aantuna ay daashatay waa inuu ku tillaabsadaa qodobadaan:
·Dibuheshiisiinta: waa inuu marka hore hir galiyaaa dib u heshiisiin taasoo aan marna meelna looga maarmeyn waayo horey waxaa u dhacay dagaalo sokeeye oo ku slaysan hab beeleedyo , loona adeegsanayo waddo macquul ah oo ku habboon xaaladda maanta waddanku ku jiro isagoo dhinacyo badan wax ka eegaya.
·Ammaanka: tan labaad oo ah inuu wax weyn ka qabto ammaanka waddanka oo hadda maraya xilli aan la isku halayn karin lkn dhaama sidii hore ammaanku wuxuu u baahan yahay ciidanka noocyadiisa kala duwan oo dhinac kasta laga qalabeeyo hadday ahaan lahayd raashinkooda , mushaarkooda , caafimaadkooda , qalabkooda ciidan iyo tababar iyo khibrad ku filan lehna awood ay gacanta waddanka ku dhigi karaan si looga maarmo ciidan shisheeye oo ummadda ama shacabka soomaaliyeed xasaasuyad ka qabaan intooda badanba.
·Dhaqaale abuuris: waddankeena soomaaliya oo ah waddan qani ah laakiin dadku ay yihiin dad faqri u badan oo macaluul la daalaa dhacaya taasina waa nasiib darro inagu habsatay oo hadda loo baahan yahay inaan ka tabaabushaysano loogana faa’iidaysto khayraadkan dihin ee waddankeena hooyo ku jira si sinnaan iyo hufnaani ku jirto loona adeegsado aqoonteeda iyo xirfadeeda dhaqaale ee loo baahan yahay ayadoo cilmiyeysan.
·Maamul wanaag: waxaynu u baahanahaymaamul wanaag siiba mid wadareed sida maamulidda bulsho weyn leh deegaan iyo dal u gaar ah sida Somalia. Qofka ama dadka wax maamulayaa waa in ay leeyihiin damiir wanaagsan, dareen alle kacabsi, khibrad maamul, aqoon diineed iyo mid maadiba oo heer sare ah, waana in ay u dheer tahay dareen iyo garasho fog oo wadanimo ah si looga baxo marxaladaan xun ee hadda lagu jiro.
·Dib u dhiska waddanka: waddanka oo intiisa badan burbur ka soo gaaray gadaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay waxaana dawladda cusub hor yaal in la soo celiyo bilicdii uu lahaa waddanku ahaa waddan ku fiicnaa dalxiisa iyo damaashaadka ishuna ay faraxdo daawashadiisa hadda aysan isu milicsan karin murugo awgeed.
Waxaa kaloo ka mid waxyaabaha asaasiga ah in la soo celiyo dhismahoodii goobihii waxbarashada iyo caafimaadka si loo helo aasaaskii bulshada oo ay ka kooban yihiin.
Waxaa kaloo muhiim ah in dib loo soo celiyo goobihii taariikhiga ahaa sida bobonimodoonkii waddanaka soo maray.
·Siyaasad hufan iyo xiriir caalami ah: waxaa muhiim ah inay dawladdu leedahay qorsheyaaal siyaasadeed oo ay ku maamusho ,ku illaaliso ,kaga warhayso waxa ka jira waddanka gudihiisa ama ka soconaya.
Waxaa xaqiiq ah in haddii siyaasadda dawladdu ay noqoto mid hufan oo ah mid daacad ,sinnaan ,caddaalad , kala dambayn , sharci u hogaansamid ,iyo in masuul kasta uu waajibkiisa xil ama masuul uuu ka soo baxo.
Waxaa kaloo loo baahan yahay ina dawladdu ay samayso xiriir caalami ah oo aysan siyaasaddu ku ekaan ama lagu mashquulin gudaha bas oo caalamka suu u socdo ama wax u wado aad la socoto adoo u barbardhigaya hadba danta qaranka maku jirtaa mise kuma jirto taas ayaa ah meesha aad qiyaas qaadanayso xiriirka caalamiga ah.
Caalamku wuxuu ku caanbaxay is xukufaysi waxaa ayana muhiim ah inaad xulufo siyaasadeed yeelato adoo eegaya danta qaranka.
Insha allaah waxaan rajaynaynaa dawlad intaas iyo in ka sii badanba inoo qabata in illaahay inoo dhaliyo oo baarlamaankuna ku doortaan waxqabadkiisa ee aysan ku dooran dano kale.
Axmed caraf fanax jinayare
Sudan khartoum

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )