Nin dukaalah magaciisana lagu sheegay Sheekh Ibraahim Maxamed Mursal oo dabley hubeysani ku dileen deeganka lafoole
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday
Waxaa shalay deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose lagu dilay Sheikh caan ahaa kana tirsanaa ganacsatada fara ku tiriska ah ee ku haray deegaankaasi, waxaana dilkiisa geystay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya.
Sida warku sheegayo Sheekha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sheekh Ibraahim Maxamed Mursal, kaas oo la sheegay in dadka dilay ay u soo galeen gudaha goob ganacsi oo uu ku lahaa deegaanka Lafoole, kuwaas oo weediistay lacago baad ah ka dib markii uu ka diidayna halkaasi ku dileen.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana markaasi ka dib goobta gaaray ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda KMG oo sheegay inay gacanta ku soo dhigi doonaan raggii dilka geystay, waxayna baaritano ay halkaasi ka sameeyeen ay ku qabqabteen dad ka agdhawaa goobta uu dilku ka dhacay.
Dadka yar ee ku harsan deegaanka Lafoole ayaa aad uga walaacay dilka loo geystay Sheekh Ibraahim oo ahaa nin si weyn looga yaqaanay Lafoole iyo deegaanada ku dhowdhow, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay dilka Sheekhaasi ganacsadaha ah, sidoo kalena ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda KMG iyo maamulka gobolka Sh/hoose ee dowladda KMG oo ku aadan dilka loo geystay Sheekhaasi ganacsadaha ah.
Dhinaca kale degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa xalay lagu dilay qof rayid ahaa, kaas oo sida ay sheegeen dad goob joogjagaal ah ay dileen kooxo hubeysan oo goobta ka baxsaday markii ay dilka geysteen ka dib, waxaana isla markiiba goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG oo halkaasi ka sameeyay baaritaano, inkastoo aan la sheegin cid ay u qabteen weerarkaasi dilka ah.
Dhannka kale habeen hore ayaa lagu dilay Isgoyska Siinaay nin ganacsade ahaa oo maqaayad ku lahaa gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha, kaas oo la sheegay in kooxo hubeysan oo dharcad ahi ay weydiiyeen isaga iyo rag la socday halka ay ka yimaadeen markii ay u sheegeen ay toogteen, taas oo aan la ogeyn ujeedada ay ka lahaayeen kooxahaasi dilka geystay.
Dilalkan kala duwan ee ay geysanayaan askarta dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa ayku soo aadayaan iyadoo Maxkamadda ciidanka dowladda KMG ay horey ugu hanjabtay inay dili doonto askarta ka tirsan dowladda ee dilaka iyo dhibaatooyinka ugu geysta dadka shacabka ah eek u nool gobolada ay gacanta ku heyso dowladda KMG.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )