Bililiqo Baahsan oo loo geystay hotelka Tropical Village ee degmada dayniile iyo dacwad la xiriirta oo la gaarsiiyey AMISOM iyo DKMG Somalia ( DAAWO SAWIRADII HORE )

5/16/2012 6:12:00 A

Hotelkaas oo uu leeyahay ganacsade Soomaaliyed oo qurba joog ah ayaa dad ku sugan degmada dayniile waxay sheegeen in arkayeen maalmihii ugu dambeeyey gaadiid ay wataan ciidamada dowlada KMG ah oo ay ku raran yihiin alaabo laga soo saaray hotelkaas



Ciidamo ka tirsan milateriga dowlada KMG Somalia ayaa maalmo ka hor bililqo xoogan ka geystay Hotelka Tropical Vilagge oo ah hotel caalami ah oo ku yaala gudaha degmada dayniile ee gobolka Banaadir halkaasoo ka mid ah goobihii ugu dambeeyey magaalada ee ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG Somalia ka saareen xoogaga Al-Shabaab.


Hotelkaas oo uu leeyahay ganacsade Soomaaliyed oo qurba joog ah ayaa dad ku sugan degmada dayniile waxay sheegeen in arkayeen maalmihii ugu dambeeyey gaadiid ay wataan ciidamada dowlada KMG ah oo ay ku raran yihiin alaabo laga soo saaray hotelkaas, kuwaasoo ay ka mid yihiin yihiin miisas, kuraas, sariiro armaajooyin iyo qalab kale oo hotelku uu lahaa.


Waxaa la sheegay in hotelka ay si buuxda u degan yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada KMG Somalia oo dhowaan degaanka uu ku yaalo ee degmada dayniile la wareegay, waxaana la xaqiijiyey in ciidamadu ay qaateen dhamaanba wixii agab ahaa ee hotelkaas uu lahaa marka laga reebo sadex matoor oo weli hotelka yaala., iyadoo ay jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya in ciidamada AMISOM ee fariisinka ka dhigtay Hotel Tropical Vilagge ay wax ka og yihiin qalabka laga qaatay hotelka.


Mar aanu isku deynay inaan arimahan wax ka weydiino maamulka hotelkaas ayey Inoo suurtoobi weyday , hase ahaatee warar hoose ayaa sheegaya iney qoraalo ay arintaas kaga dacwoonayaan gaarsiiyeen saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada KMG ah ee gacanta ku haya hotelkaas iyo degaanka uu ku yaalo ee degmada dayniile, waxana warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in saraakiisha labada dhinac ay balan qaadeen iney baaritaan ku sameyn doonaan arintan.


Ilaa hadda ma jiro war ku saabsan arintan oo ka soo baxay saraakiisha dowlada KMG ah iyo kuwa AMISOM, hase ahaatee wararka ayaa sheegaya in milkiilaha iska leh hotelkan uu si weyn ugu carooday bililaqada loo geystay hotelkaas oo dhismihiisu sanado badan socday aduun fara badana uu ku baxay, waxaana la sheegay inuu ka dalbaday DKMG Somalia iyo kuwa AMISOM mag dhow ka khasaaraha ciidankoodu u geysteen hotelkiisa.


Hotel tropical ayaa haatan ah mid haawinaya mana Jiraan shay la qaadan karo oo dhaxyaal sidoo kale waxaa la waayey xoolihii ku dhaqnaa gudaha hotelka sida ugaadha ,fardaha ,digaaga ,lo'da iyo arigii subaga laga dhalaalin jiray .

wuxuunahotelku ku soo koobmay in uu noqdo xero ciidan oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowlada KMG iyo kuwa AMISOM



FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com