Ardayda Jaamacad Horn Of Africa oo ay casharo ka jeediyeen Aqoonyahano ku xeeldheer Cilmiga Bulshadu u baahan tahay (DAAWO SAWIRADA )

5/8/2012 6:50:00 PM

Kormeerkaan ayaa noqonaya kii labaad ee ee uu ku booqodo qaar ka mdi ah jaamacadaha Muqdisho



Qaar ka mid ah aqoonyahanada dalka dibadiisa wax ku so bartay oo casharo aqoontooda cilmiyeed sare loogu qaadayo ka bilaabay Jaamacadaha Muqdisho .


Shucayb Xaaji Ibraahin oo ah Madaxweynaha Jaamacada Horn of Africa ayaa faahfaahiyey heerka waxbarasho ee ardayda dhigata Jaamacada iyo sidii ay ugu suurta gashay in ay aasaasaan Jaamacadaan oo ay dhigtaan arday fara badan kuwaa oo sheegay in ay wax weyn iska bedelaan aqoontooda ayna hada fahmeen faaiidada aqoontu ledahay .


Shuceyb Xaaji Ibraahin “Maamulka iyo ardayda waxaa farxad weyn uu ah in ay martigaliyaan aqoon yahano Somaliyeed kuwaa oo in badan ku jiray fildhiga wax barashada iyo waxbaridaba kuwaas oo soo qaday waxbarasho aqooneyd oo ka sareysa tan dalka taal “


Gudoomiyaha Jaamacada Horn of Africa ayaa aradayda kula dardaarmay ka hor intii casharadu bilaaban in ay ka faaiideystaan aqoonyahana booqashada ugu yimid gudaha safaladooda .

Wuxuuna intaa ku daray in ay xanbaarsan yihiin aqoon iyo figrado mudan in laga faaiidaysto wuxuuna ku dhiri galiyey in ay buugaagtoda ku qortaan taloyinka iyo tusaalooyinka ay bixinayaan aqoon yahanadu .
 

Ardayda dhigata Jaamacadaha Muqdisho ayaa tiradooda iyo tayadooda sii kordheysaa waxaana ugu wacan ka gadaal markii ay dhalinyaradu fahmeen in nolosha bini aadanku ka maarmin aqoon ,cilmi maadi ah iyo mid maskaxeed waxaana wadooyinka Muqdisho lagu arkayaa arday heer Jaamacadeed ah kuwaasi oo raxan raxan u socdo gabdho iyo wiilalba .

Arintaan ayaa bedelkeedu sii yaraanayaa dhalinyarada hubka sidato oo meereysan jirey wadoyinka xiliyada qaar .

Dr .Prof. Ibraahin cali Xuseen oo ka mid ah aqoonyahanada Somaliyeed oo dalka dibadiisa wax ku bartay isla markaasina dalka dib ugu soo laabtay mudo dheer ka dib ayaa u sara kacay in uu ku baraarujiyo ardayda wax ka barata Jaamacadaha Muqdisho waxaana haatan uu ku guda jiraa kormeer uu ku sameynayo daraasaad ah heerka waxbarasho ee dhalinyarada Somaliyeed gaar ahaan kuwa dalka gudihiisa ku sugan  


Kormeerkiisa uu ku indha indhaynayo dhalinyarada wax barata ayaa waxaa ku weliya Jamaal Qaasin Mursal waxayna casharo siinayeen ardayda wax ka dhigata jaamacada horn of Africa ee Magaalada Muqdisho iyada oo horey u soo maray Jaamaxado kale oo ay sidaan oo kale Casharo ka jeediyeen waxaana ardaydu su.aalo ka weydiinayeen qaabka waxbarasho ee lagu heli karo cilmi naafac ah .

Jaamacada Horn of Africa ayaa ka mid ah Jaamacadaha Magaalada Muqdisho oo ay booqdeen labada aqoon yahan ee Ibraahin Cali Xuseen iyo Jamaal Qaasin Mursal waxayna Jaamcada horn of Africa ardayda dhigata siinayeen casharo aqoontooda kor ay ugu qaadayeen .

Aqonyahanada ayaa sheegay in ay ardaydu ku taagan yihiin wadadii mustaqbalkooda bari loona baahan yahay in loo yagleelo dhidiba adag si ay u jiraan wax kasta oo ka hiryimaada si ay aqontooda u dhameystiraan .
 

Tan iyo wixii ka danbeeyey burburkii dowladii dhaxe ee Somaliya waxaa dalka ka hanaqaaday xaruno wax barashao iyo Jaamacado dhamaantood ay leeyihiin shaqsiyaad ama uruo kuwaas oo ay wax loga barto lacago adag taasi oo inta badan waalidiinta ay mararka qaarkood awoodin in ay bixiyaan lacagta fiiga aradayga




 



FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com