Beelweynta hawiye oo yeeshay kulan looga soo horjeedo dastuurka qabyo qoraalka iyo xubno si la yaab leh uga hadlay ( DAAWO SAWIRADA)

4/30/2012 7:59:00 P

shirkaan ayaa xubnihii ka soo qeybglay isku aragti ka noqdeen dastuurka qabyo qoralka oo lagu tilmaamay in la aqbali karin qodobadiisa



Shir balaaran oo ay yeesheen xildhibaano iyo siyaasiyiin ka soo jeedo beelaha hawiye oo si weyn looga soo horjeestay qabyo qoraalka dastuurka


Ka gadaal kulan balaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay ka qeybgaleen xildhibaano ,siyaasiyiin ,aqoonyahano culumaaudiin haween ,dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay kuwaas oo ka soo jeedo beelaha hawiye ayey ganafka ku dhufteen dhamaan xubnihii ka qeybgalay .


Waxaana ay sheegeen in guud ahaanba qalad uu yahay dastuurka qabyo qoraalka oo la doonayo in la ansixiyo dhawaan waxaana meelmarintiisa ku howlan xubno ka tirsan masuuliyiinta dowlada KMG Somaliya si dalka loogu dhaqo .

Kulanka oo ay ka soo qeybgaleen siyaasiyiin iyo xildhibaano masraxa siyaasada dalka si aad ah uga dhaxmuuqdo ayaa masuuliyiintii ka hadashay waxaa ka mid ahaa maxamed farax jimcaale ,Xildhibaan Muuse suudi yalaxow ,sheikh yuusuf Maxamed siyaad indhacade ,nbadoon Maxamed Xasan Xaad iyo kuwa kale waxayna dhaaantood cadeeyeen in aan bulshadu ku dhaqmi Karin waxyaabaha uu xanbaarsan yahay .

Masuuliyiinta ayaa shegay in dartuurka qabyo qoraalku yahay mid lagu marin habaabinayo shacabka la daalaa dhacayo dagaalada iyo abaaraha ayna u dheer tahay dowlad la,aan iyo iyaga oo aan heli Karin howlaha adeega guud ee bulshada ,waxayna tilmaameen in dastuurka lagu doonayo colaad hor leh oo dhasmarta markale qabaailada somaliyeed dhaxdooda kuwaa oo ay cadeeyeen in aysan fikir iyo talo midna ku laheyn ansixita iyo meelmarinta dastuurka dalku yeelanayo .

Qaar kamid ah shaqsiyaadkii madasha shirka ayaa ka dhawaajiyey in masuuliyiinta dowladu kuwooda u ololeynaya ansixinta dastuurka qabyo qoraalka iyaga oo fariin ugu diray in aysan marna ogolaandoonin in mugdi lagu meelmariyo masiirka shacabka Somaliyeed .


Alxaaji Muuse Suudi Yalaxoow " Dastuurka cusub canugii ku dhasha waa   xaaraan qadcan ah" 
Xildhibaan Muuse Suudi yalaxoow oo maanta ka qeyb galay kulan culus oo ay isugu yimaadeen beesha Hawiye ayaa si kulul waxa uu mar kale uga hadlay arinta Dastuurka isagoona sheegay in    marnaba aanay aqbali doonin.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dastuurkaan uu yahay mid aan sharci ahayn isla markaana xaaraan ah sidaa darteedna looga baahanyahay beelaha Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay beesha   Hawiye in ay arintaasi iska eegto.

"Hawiyoow i maqla ha dhihina waxba nooma sheegina, Dastuurkaan waa mid dalka lagu gaadi rabo, dastuurka cusub canugii ku dhasha waa xaaraan qadcan ah ee dalka yaan loo horseedin

xaaraanta, diinta islaamka kuma qotomo, waxaa ku jira wax aan diinta ahay, waxaa kaloo la yiri 5 sano ajnabigii joogaa dalka waa muwaadin, hadii 100-shiinees ah ay dalka timaado 5 sano ay

joogaan waa muwadiniin, AMISOM ayaaba wadani noqon rabta waayo shan sano ayeey joogaan marka sidaas ayaa lawadaaye namootiya dastuurkaan oo naga celsha" ayuu yiri Muuse Suudi Yalaxoow.

Sidoo kale xildhibaanka waxa uu eedeeyay ra'iisul wasaare Gaas oo uu sheegay in xukuumadiisa aanay dalka waxba ka qaban, isla mar ahaantaana ay tahay xukuumad daciif ah.

"Mida kale Ra'iisul wasaaraha hala weydiiyo amaankii dalka   halka uu ku sheego, lacagihii uu soo dal dashayna hala    weydiiyo halka uu geeyay, baarlamaanka inutuu ku ogyahay, 



waxaad kaloo weydiisaan Ra'iisul wasaaraha dadkii baahnaa   intuu ku sheegaa ee abaarta haysay, waxa uu meel ku sheego    malahan warqado cad uu meel ku sheegaa, madaxweynahane waa

sidaas ee dastuurkaan beenta ah yeeysan sanka naga gelin"ayuu Xaaji Muuse Suudi hadalkiisa raaciyay.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in markaan beesha Hawiye ay baraarugsantahay wax walba oo wanaag ahna diyaar u tahay balse ay garan la dahay kaliya qofkii wanaagaas la wadi lahaa.

"Hawiye Dimuqraadi uu rabyaa waana jilacsanyahay Hawiye, waxaana uu rabaa cid wax la qabsata nabadana diyaar aan u nahay laakiin in nala sasabo markii aan seexano ka dibna sanka

farta nalaga gelsho yeeli mayno anaga, wixii xoog wadana waan gediheenaa, geddi cad aa loo ridaa kadibna waa la jiidaa" Yalaxoow ayaa yiri.

Hadalka xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow ayaa waxa uu imaanaa xilli ay jiraan qabaa'ilo Soomaaliyeed oo si kulul uga soo horjeeda dastuurka cusub ee wadanka Soomaaliya loo sameenaayo.

Janeraalka Yuusuf Maxamed Siyaad indhacade ayaa isagu qaba in beesha hawiye ka mid tahay beelaha somaliyeed kuwooda ugu waaweyn isla markaana ay diidi karto wixii ay qalad u argot .
Shirka looga soo horjeedo ansixinta dasturka qabyo qoralka ayaa ku so badanaya magaalada Muqdisho iyada oo baaqyo loo dirayo madaxda dowlada iyo gudiga ku howlan ansixitiisa kuwaaas oo aan dhag jalaq u siineynin
 


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com