Gudoomiyaha cusub ee degmada C/casiis oo xilkii la wareegay, balana qaaday inuu isbedel la taaban karo ka sameyn doono degmadaas (DAAWO SAWIRADA )

4/14/2012 6:28:00 P

Xarunta degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay





Xaflad balaaran oo ay xilalka ku kala wareegayeen gudoomiyihii hore ee degmadaas Yuusuf Cali Iley iyo gudoomiyaha cusub ee degmadaas Cabdulaahi Xuseen Xasan ( Fanax ), waxaana xafladaas ka soo qeyb galay masuuliyin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo uu ka mid ahaa duqa magaalada Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

 
Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee degmada C/casiis Yuusuf Cali Indhoole oo halkaas ka hadlay ayaa ka waramay xaalada degmada isagoo sheegay iney ka jiraan dhibaatooyin badan, wuxuuna xusay in wixii maanta ka dambeeya uu xilkii gudoomiyenimo ee degmadaas ku wareejiyey gudoomiyaha cusub ee degmadaas loo magacaabay, wuxuuna balanqadaay inuu gacan ku siin doono shaqadiisa, wuxuuna ugu baaqay shacabka degmadaas iney la shaqeeyaan.

Gudoomiyaha cusub ee degmada C/casiis Cabdulaahi Xuseen Xasan ( Cabdulaahi Fanax ) oo isna ka hadlay munaasabadaas ayaa gudoomiyihii hore uga mahad celiyey xilka uu ku soo wareejiyey iyo waxyaabihii uu ka qabtay degmadaas mudadii uu xilka hayey, wuxuuna xusay inuu halkooda ka sii wadi doono dhamaanba howlihii uu gudoomiyihii hore ka waday degmadaas.

“Waxaan hortiina ka balan qaadayaa masuuliyin iyo shacaba inaan si daacadnimo leh ugu shaqeyn doono horumarka degmada wax badana ka qaban doono amaanka iyo dib u dhiska adeegyada bulshada ee degmadaas sida Amaanka ,waxbarashada, nadaafada, caafimaadka, biyaha iyo waxyaabaha kale ee bulshadu baahida u qabaan waxaana ka codsanayaan shacabka degmada iney gacan igu siiyaan gudashada waajibaadka la ii xilsaaray ” ayuu yiri Gudoomiyaha cusub ee degmada C/casiis Cabdulaahi Xuseen Xasan (Cabdulaahi  Fanax )



Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo isna halkaas ka hadlay ayaa waxaaa uu gudoomiyihii hore ee degmada C/casiis uga mahad celiyey waxqabadkiisii mudadii uu xilka hayey, isagoo gudoomiyaha cusubna u rajeeyey inuu xilka loo magacaaabay ALLE la garab galo, waxaana uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu la shaqeyn doono maamulka cusub ee degnada C/casiis.



Degmada C/casiis ee gobolka Banaadir ayaa ka mid ah degmooyinkii ay ka baxeen 8 bilood ka hor xoogaga Al-shabaab, burbur xoogana uu ka soo gaaray dagaaladii qaraaraa ee sanadihii u dambeeyey ka dhacayey magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmo ka hor ka shaqaaqo ay dad ku dhaawacmeen ka dhalatay xilka qaadista lagu sameeyey gudoomiyihii degmadaas taasoo hada u muuqata inla xaliyey.


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com